2592 Views

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  20, 201– Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Kulan Wadatashiga Hannaanka Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho 14 – 16 May 2017

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka Geedi-socodka Dib-u-Eeegista Dastuurka. Kulankan ayaa laga soo saaray warmurtiyeed.

Cadaalad la marsiiyey dhagarqabihii Qaraxa ka fuliyey Suuqa Beerta

Dowlada Federaalka oo ahmyid gaar ah siineysa sidii shacabku ku heli lahaa cadaalad iyo sinnaan ayaa Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay 18kii May 2017 xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo gaari uu waday ku Qarxay Sanadkii Hore Suuqa Beerta ee Degmada Waabari.

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare oo la bilaabayo 20ka May

Waxaa guul weyn u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare inay soo gebagebeysay diyaar garowgii weynaa ee loo galay howlaha imtixaanka, Hadaba, maalinta Sabtiga ah ee ay bisha Maajo tahay 20ka, 2017da waxaa la qaadi doonaa imtixaanka Shahaadiga ah ee heerka labaad ee waxbarashada qaranka (Imtixaanka Dugsiga sare). Sannad dugsiyeedka 2016/2017 waxaa imtixaanka u fariisanaya 23000 oo arday waxaana lagu qaadi doonaa 77 xarumood oo ka tirsan Dowlad Goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir. Waxaa si toos ah uga qeyb qaadanaya howlaha imtixaanka 77 kormeerayaal, 77 kaaliyeyaal, 1368 ilaaliyayaal, 962 amni sugayaal iyo saraakiil amni iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

Muddo labo cisho ah oo la badbaadiyey $34,000 ee canshuurta Jaadka oo horey loo lunsan jirey

Dowlada Federaalka waxaa ka go’an ciribtirka Musuqmaasuqa. Maamulka cusub ee xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho ayaa maamlmihii 16ka iyo 17ka May waxey soo xareeyeen canshuurta jaadka in ka badan $130,000 oo marka loo barbardhigay maalmihii iyo usbuucyadii hore ay soo baxday in in-ka badan $34,000 oo la leexsan jirey la badbaadiyey. Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Wasiir-ku-xigeenka Maaliyada ayaa 17kii May 2017 booqday garoonka diyaaradaha ee Aden Adde ee Muqdisho si ay u dhiirigeliyaan shaqaalaha oo muddo labo cisho ah oo Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho ay canshuurta jaadka ku kordhiyeen $34,000 iyadoon canshuurta la kordhin, isla markaasna Jaadkii imanayey uusan kordhin.

Hay’adaha Amniga oo gacanta ku soo dhigay dhagarqabayaal baabuur waxyaalaha Qarxa ka soo buuxiyey oo rabay inay shacabka waxyeelo u geystaan

Hay’adaha amniga oo kaashanaya shacabka ayaa labo gaari ay ku raad joogeen laga badbaadiyey khasaaraha shacabka oo cadowgu la damacsanaa. 15kii May 2017 ayaa hay’adaha amniga oo ku raad joogay gaari ayaa qabtay seddex ruux oo saarneyd gaariga, isla markaasna ka badbaadiyey shacabka qasaaraha gaarigaas oo qarxay iyadoo shacabka aagaas laga fogeeyey. Gaariga ayaa qarxay intii ay ciidanka miinobaarista soo socotay. Sidoo kale 17kii May ayaa ciidanku isagoo dabojooga gaari ay xabad ku soo fureen ciidanka, ka dibna la baacsaday, gaarigiina uu qarxay iyadoo ciidanka geesiyaasha ee ku howlaneed furfurista qaraxa uu gaarigii ku qarxay.

5 nin oo isbaaro-dhiganayey oo la soo qabqabtay lana soo bandhigay

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa 13kii May 2017 lagu soo bandhigay shan nin oo ku hubeysana qoriga AK-47 iyo gaari ay u isticmaalayeen falalka dhaca oo dadka socotada ee mara waddada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo deegaanka 50 km, kadib howlgal ciidanka xooga ay ka sameeyeen halkaas.

Dowlada Federaalka oo Raashin Deeq ah Gaarsiisey degmada Wanlaweyn

Deeqdan Raashinka ee la gaarsiiyey Wanlaweyn ayaa ka koobneyd Bur, Baris, Sokor, Caano iyo Daawo oo 400 (afar boqol) oo qoys oo danyar ah lagu wareejiyey ee deeganka Sharee oo Hoostaga Degmada Wanlaweyn. Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Abaaraha Qaranka ayaa horseed ka ahaa gargaarkan iyadoo maamulka Gobolka Sh/Hoose ay goob joog ahaayeen.

Gobolka Sh/Dhexe oo laga hirgeliyey Howlgalo Burcadda looga sifeynayo waddooyinka

Howlgallo lagula dagaallamayo burcadda jidgooyooyinka dhigata waddooyinka mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa usbuucan laga sameeyay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Degmada Cadalle. Iyadoo laga duulayo awaamiirtii Madaxweynaha Soomaaliyaa ayaa ciidanka XDS ay wadaan Howlgal lagu baadi goobayo kooxaha caadeysta dhigashada Jidgooyooyinka lacago sharci daro ah looga qaado shacabka.

Aqoon is weydaarsi loo sameeyey 20 Haween oo Qareeno ah

15kii May 2017 ayaa Wasaaarada Cadaalada ay soo gabogabeysey aqoon isweydaarsi mudo sadax maalin ah uga soconayay magaalada Muqdisho in ka badan 20 haween qareeno ah oo ka kala yimid gobolada dalka Ujeedka dood cilmiyeedka ayaa ahaa sidii ay iskaashi u samayn lahaayeen una xoojin lahaayeen howsha qareenimada gabdhaha Soomaaliyeed si ay qayb uga noqdaan baahinta garsoorka dalka.

20 suxufi ah oo la siiyey tababar xirfadooda kor loogu qaadayo

Wasaarada Warfaafinta ayaa tababar siisay 20 suxufi oo ka kala yimid warbaahinta Qaranka, tan madaxa banaan iyo Warbaahinta dowlad Gobolleedyada iyagoo la baray sida ugu haboon ee looga faa’iideysan karo soo saaridda wararka iyo barnaamijyo tayo leh. Tababarkan oo socday 14 – 17kii May 2017 ayaa Wariye Cabdiraxmaan Koronto iyo Hussein Jaabiri oo labadaba ah La Taliyeyaasha Wasaarada Warfaafinta ay bixinayeen tababarkan muhiimka u ah horumarinta warbaahinta dalka.

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment