2979 Views

Al-shababaab Iyo Ciidamad Dowlada Oo Ku Dagaalamay Maxaas

Al-shababaab Iyo Ciidamad Dowlada Oo Ku Dagaalamay Maxaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  21, 2017 –—Ugu yaraan sideed Qof oo u badan Shacab ayaa ku dhintay dagaal sakaa ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan kaddib markii ay halkaas ku dagaallameen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamada Maamulka Maxaas ee dowladda Soomaaliya.

Muumin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Degmada Maxaas ee Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Q.O.L  in daalka uu ka dhacay Degaanka Butaale oo u dhaw degmada Maxaas.

Waxaa uu sheegay in dhanka Ciidmaada Maamulka ay ka dhinteen labo Askari mid kalena uu ka dhaawacmay waxaana uu dhanka kale sheegay in Al-shabaab ay ka dileen lix qof sidoo kalena ay gubeen Gaari ka mid ah kuwii ay ku duullaan tageen.

Dagaalka ayuu sheegay Guddoomiye Muumin in uu ka billowday Xoolalay iyo Al-shabaab  kaddibna ay Ciidamada maamulka ku biireen dagaalka u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Xoolo dhaqatada.

Al-shabaab ayaa dhankooda dheegay in ay weerar ku qaadeen goob ay isbaaro u taallay Ciidamada Dowladda islamarkaana ay halkaas ku dileen labo ka mid ah Askarta Dowladda Soomaaliya.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment