2625 Views

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo ka hadlay lacagaha Gobolada loo diray

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo ka hadlay lacagaha Gobolada loo diray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  21, 2017 –—Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa ku baaqay in si cadaalad ah loo qeybiyo lacagaha Gurmadka Abaaraha ay u direen Gobolada dalka, taasi oo loo diray dadka ay Abaaraha ku saameeyeen Goboladaas.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxa uu sheegay lacagaha ay u dhiibaan Mamulada Gobolada in la iskula xisaabtami doono, dad badana ay ku ceeboobi doonaan, hadii aysan ka feejignaan.

Waxa uu sheegay cid kasta oo lagu tuhmo in ay musuq maasuqdo lacagaha loogu tala galay dadka Abaaraha ay saameeyeen Talaabo adag laga qaadi doono.

Hadalka ka soo baxay Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Maamulada Degmooyinka lagu eedeeyay in ay musuq maasuqeen lacago loogu tala galay dadka ay Abaaraha saameeyeen.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment