7647 Views

Sactar Siday Qalab Dhisme Oo Ku Degay Xeebaha Degmada Hobyo Ee Gobalka Mudug

Sactar Siday Qalab Dhisme Oo Ku Degay Xeebaha Degmada Hobyo Ee Gobalka Mudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  21, 2017 –—Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalo Xeebeedka Hobyo ayaa sheegaya in Xalay uu ku degay Meel u dhow Xeebta Magaalada Hobyo Sactar u Rarnaa Ganacsato Reer Galmudug ah.

Sactarka ayaa Siday Qalab dhisme oo ah Dhisme loogu talo galay Wadada u dhaxeysa Hobyo iyo Gaalkacyo.

Waxaa la sheegay in Sactarka uu ka ambabaxay Dekedda Magaalada Muqdisho islamarkaana uu Qalabka u waday Dekedda Hobyo,balse meel u dhow Dekedda Hobyo uu ku degay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa noo Xaqiijiyay in la badbaadiyay Dadkii la socday Sactarka Degey,balse Qalabkii uu Quusay,waxaana Qalabka ku jiray Cagaf-Cagafyo.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment