2607 Views

Taliye Ku Xigeenka Xabsiga Dhexe”Marxuumad Deeqo Waa Ay Diiday In Aan Daaweeyno

Taliye Ku Xigeenka Xabsiga Dhexe”Marxuumad Deeqo Waa Ay Diiday In Aan Daaweeyno
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  21, 2017 –—Deeqo Diraac oo horay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya 20 Bishii Apriil Sanadii 2014,kii ay  ku xukuntay 15-sano oo xabsi Ciidan ah ayaa ku dhex geeriyootay Isbitaal ku yaalla Xabsiga dhexe ee Xamar,ee Magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka xabsiga Dhexe General Maxamed Sheekh Cumar. ayaa sheegay in Marxuumad Deeqo in ay u geeriyootay Xanuunka Macaanka ama Sokorta sida uu sheegay taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar islamarkaana  mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaalla xabsiga dhexe ee Xamar mudadaasina lala tacaalayay xaaladeeda Caafimaad.

 

Waxa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in  ay diiday in la daaweeyo oo dhiig laga qaado taas oo ugu dambeen xalay Xabsiga dhexdiisa ay ku geeriyootay sida uu hadalka u dhigay.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment