2634 Views

Maxay tahay Sababta dib loogu dhigay Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug ?

Maxay tahay Sababta dib loogu dhigay Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug ?
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL | May  22, 2017 –—Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay in dib loo dhigay Caleema Saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf oo lagu waday in maanta lagu caleemo Saaro Magaalada Cadaado.

Sababta dib loogu dhigay Caleema Saarka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka ka maqan ,islamarkaana lagu waday in uu ka qeyb galo Caleema Saarka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagi doona Magaalada Cadaado si uu uga qeyb galo Caleema Saarka sidoo kale waxaa ka qeyb gali doona Caleema Saarka Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda.

Kooxda Qabanqaabada Caleema Saarka Madaxweynaha ayaa shalay gaaray Cadaado.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Risaala u sheegay in Madaxweynaha la caleema Saari doono 27-da bishaan.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada Shacabka degan gobolada Dhexe.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment