3942 Views

DAAWO SAWIRADA:- Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la keenay qalab suura gelinaya inuu habeenkii shaqeeyo

DAAWO SAWIRADA:- Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo la keenay qalab suura gelinaya inuu habeenkii shaqeeyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  23, 2017  – Wasaaradda Gaadiidka, cirka iyo dhulka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu wareejiyay qalab suura gelinaya in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay habeenkii diyaarado ka soo degaan.

Munaasabadda kooban oo saaka ka dhacday garoonka diyaaradaha ayaa waxay shirkadda Favori ee gacanta ku heysa maamulka garoonka waxay ku wareejisay Wasaaradda Gaadiidka, cirka iyo dhulka iyo Hey’adda Saadaasha Hawada qalab ay ka mid yihiin dhalalka ifiya dhabaha ay diyaaradaha ka duulaan.

Mas’uul u hadlay shirkadda Favori ayaa sheegay in qalabkan uu ka saacidayo garoonka diyaaradaha in habeenkii diyaarado ka soo degaan, kana duuli karaan, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay, iyagana ay adeegan fududeeyeen.

Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo duulisya Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in qalabkan uu ka saacidi doono in garoonka diyaaradaha uu shaqeeyo habeenkii, wixii hada ka dambeeya garoonka Muqdisho uu la mid noqonayo garoomada caalamiga ah.

Wasiirka Gaadiidka, Cirka iyo dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in dhowaan ay ku dhawaaqi doonaa diyaaradii u horeysay ee duulimaad ka bilowda habeenkii garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Inkastoo aanay si rasmi ah habeenkii u shaqo bilaabin garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa hadana waxaa xilliyada habeenkii la maqlaa guuxa diyaarado ka dega xilli saq dhexe, kuwaasoo la sheego inay yihiin kuwo Mareykanka iyo diyaarado kale oo u timaada howl galka AMISOM.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa shaqeyn xilliyada habeenkii 25-kii sano ee la soo dhaafay, kaddib bur burkii dowladdii dhexe, waxaa haatan garoonka uu yeelanayaa muuqaal la mid ah garoomada caalamiga ah.

25

3

4

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment