2535 Views

Guddoomiye Taabid oo ku dhawaaqay olole la magac baxay Dalkaaga wax u qabo

Guddoomiye Taabid oo ku dhawaaqay olole la magac baxay Dalkaaga wax u qabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  23, 2017 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay olole cusub, oo la magac baxay Dalkaaga wax u qabo, kaasoo bedelaya ololihii caan baxay ee Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ee ahaa Dalkaaga ku dhiso Hal Dollar.

Taabid ayaa ugu baaqay shacabka inay u istaagaan ka qeyb qaadashada ololaha dalkaaga wax u qabso, kaasi oo lagu soo celinayo bilicda magaalada.

Waxaa uu sheegay in Ololahan la sameyn doono bil walbo dhammaadkeed, ka maamul ahaanna ay keeneen qalabkii ololahaasi looga qeyb qaadan lahaa.

“Caasimadda aan mustaqbalka hiigsaneyno waa mid nadiif ah, Maanta waxaan ku dhawaaqnay olole nadaafaddeed oo aan ka wada shaqeyn doono. Fadlan ka qeybqaado ollolaha dalkaaga wax u qabo. “Xamar aan Dhaxjibaaxnee, Jidadkeeda nala Nadiifi”, “Degmo aan is Nadiifin, Dalka Way ka Hartaa” Sidaas waxaa yiri Guddoomiye Taabid qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Inkastoo ay dib u dhisantay Muqdisho, hadana meelaha qaar waxaa ka jirta nadaafad xumo u baahan in shacabka magaalada oo mid ah ay wax ka qabtaan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu sheegay in maamulkiisa aanu ku filneyn wax ka qabashada khasaarihii uu geystay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho, oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment