4011 Views

Madxweyne Faramaajo oo gaaray dalka Jabuuti

Madxweyne Faramaajo oo gaaray dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  23, 2017 – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho ku jooga Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha oo ka soo laabtay shirkii mareykanka iyo Madaxda Islaamka ee ka dhacay Sucuudiga kaddib waxaa uu tagay magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle iyo mas’uuliyiinta ugu sarreysa dalkaas ayaa si weyn Magaalada ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo jabuuti ayaa hadda kulan ku leh xarunta Madaxtooyada dalka Jabuuti waxaana y labada Madaxweyne ka wadahadlayaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dhinac.

Kulanka kaddib Madaxweyne Farmaajo waxaa la filayaa in uu Khudbad ka jeediyo Baarlamaanka dalka Jabuuti,waxaana uu sidoo kale ka qeyb geli doonaa furitaanka Dekad cusub oo laga dhisay Dalka Jabuuti.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment