2676 Views

Madxweyne ku xigeenka Putland oo kahadlay xukun uu fuliyo maamulkaasi

Madxweyne ku xigeenka Putland oo kahadlay xukun uu fuliyo maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Garaoowe | QOL | May  23, 2017 – Kadib markii Hay’adda Amnesty International dhawaan ay ku eedeysay Maamulka Puntland fulinta xukuno aanan sharciga waafaqsaneyn, sidoo kalena lagu rido dhalinyaro yar yar, ayaa Puntland waxa ay difaacday Xukunadda ay qaado maxkamadda ciidamada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa u sheegay Warbaahinta in xukunada ay fuliyaan uu yahay mid sharci ah.

Wuxuu sheegay xeerka maxkamada Puntland inuu dhigaayo ruuxii isku ekeysiiya Militari oo qaata hub dagaalkana gala inuu mudan yahay xukun in lagu fuliyo.

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa dhawaan fulisay xukun dil ah oo lagu riday Shan ruux oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab. Hay’adaha xuquuqda Insaanka u dooda ayaa dhawr mar ku cel celiyay inay ka xun yihiin xukunada kala duwan ee ay qaadaan maxkamadaha ciidamada Soomaaliya.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment