3501 Views

Q.M. oo difaacday sababta ay shaqaalaheeda ugu diidday Maqaaxida The Village

Q.M. oo difaacday sababta ay shaqaalaheeda ugu diidday Maqaaxida The Village
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  23, 2017 – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa difaacay sababta ay shaqaalahooda uga mamnuuceen Maqaaxida The Village oo ku taalla gudah Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenad u hadashay Qaramada Midoobey Xafiiskeeda Soomaaliya oo lagu magacaabo Cassandra Nelson, ayaa sheegtay in ay sababta ay shaqaalahooda uga joojiyeen ay tahay amniga shaqaalaha darteed.

Waxaa ay Maqaaxidaas ku sheegeen in Labo jeer oo hore la qarxiyay islamarkaana ay hadda suuragal tahay in marar kale la weeraro Maqaaxida.

Qaramada Midoobey ayaa arrintaas kala kulantay dhaleeceyn dhanka Warbaahinta Bulshada ah, kaddib markii lagu eedeeyay in ay takoor ku sameeyeen Maqaaxida kaliya ee ku taalla Garoonka Aadan Cadde ee ay Soomaali leedahay.

Nelson, waxaa ay sheegtay in ay sameeyeen sahan dhanka amniga ah islamarkaana ay xog ururinta u muujisay in ay jiraan weerarro dhici kara sidaas darteedna ay shaqaalaheeda uga digtay in ay adeegsadaan Maqaaxida.

Waxaa ay intaas ku dartay in dad badan ay ku dhinteen weerarro lagu qaaday July 2016 iyo January 2017, taas oo ay ku sheegtay in ay sii kordhisay cabsida Qaramada Midoobey ee shaqaalaheeda.

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment