2448 Views

SAWIRRADA: Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Agaasimayaasha waaxyaha

SAWIRRADA: Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Agaasimayaasha waaxyaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  23, 2017 –—Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa saaka kulan looga hadlayo kor u qaadida tayada shaqo ee Wasaaradda layeeshay agaasimayaasha Waaxyaha, waxaana kulan ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Prof. Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo Xooghayaha Joogtada ah Ahmed Dayib Nuur.

ShirkA ayaa looga hadlay sidii sare looga qaadi lahaa dakhli kordhinta, iyo in dib u eegis lagu sameeyo canshuur dhaafka loo sameeyo Hay’adaha ka howlgala dalka, waxaa sidoo kale wasiirku ku booriyey shaqaalaha dekedda in shaqadooda ay laba jibaaraan islamarkaana la sameeyo qayb shaqaalaha ka mid ah oo dekedda ka howl gala habeenkii xiliyadda ay jiraan shaqooyinka dajinta badeecooyinku.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka shaqeeyaan shaqaale aad u faro badan loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo ku salaysan dhanka aqoontooda iyo in ay si joogta ah u yimaadaan shaqadda.

“Shaqaalaha xuquuqdooda dowladdu xil weyn ayeey iska saartay, waxaana lagama maarmaan ah in ay soo xaadiraan shaqadda xiliga lagu heshiiyey. Hadii uu jiro shaqaale fasax u baahan iyo mid arrimo kale shaqada uga maqnaanaya waxaa lagama maarmaan ah in loo eego sharci ahaan waxa u xaqa u leeyahay, waana in meesha laga saaro shaqaalahaan xiligay doonaan iska safraya” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in kulankaan uu noqon doono mid joogta ah oo dhaca usbuuc kasta, loogana gol leeyahay dar dargalinta shaqada wasaaradda iyo kobcinta dakhliga u soo xarooda dowladda.

 

1 02 h

ml

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment