2442 Views

Dowlaqda Maraykanka Oo Lacago Ugu Yaboohday Abaarah Ka Jira Dowlada Soomaaliya

Dowlaqda Maraykanka Oo Lacago Ugu Yaboohday Abaarah Ka Jira Dowlada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2017 –Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxa ay ku dhawaaqday 329 Million oo Dollar in ay uga qeyb qaadaneyso Abaaraha ka jira wadaada South Sudan, Nigeria, Somalia iyo Yemen.

Waxa ay sheegtay Dowladda Mareykanka Afartan wadan in ay ka jiraan Abaaro, aad u daran loona baahan yahay in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro.

Dowladda Marewykaka ayaa si gaar ah u sheegtay in dadka Abaaraha ay saameeyeen ay siin doonto, cunooyin nafaqeysan, Dawooyin, Biyo nadiif ah iyo Agabyo ay ku dhistaan Guryo.

Sarkaal u hadlay Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Toban Milyan oo Qof ay u baahan yihiin bani’aadanimo, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada dalka.

Wuxuu kaloo sheegay Sarkaalkan Soomaaliya markii horeba in shacabkeeda ay la daalaa dhacayeen Dagaalo, hadana ay ugu darsoomeen Abaaro macluul ah.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera arrimaha bani’aadnimada, la dagaalanka Shabaab iyo waxyaabo kale.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment