2868 Views

Madxweyne Farmaajo oo lakulamay Sheikh Tamim Bin Hamad

Madxweyne  Farmaajo oo lakulamay Sheikh Tamim Bin Hamad
____________________________________________________________________________

Dooxa | QOL | May 25, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Doha ee Dalka Qadar, Kadib Casuumad rasmi ah oo uu ka helay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweynaha  waxaa Safarkiisa  ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana maanta la kulmi doonaan Wasirrada dhiggooda ah.

Madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani, waxayna ka wada hadleen arrimaha Amniga, Abaaraha, sidii Dowladda Soomaaliya ay taageero uga heli laheyd dalalka ay saaxiibada yihiin iyo waxybaabo kale.

Sidoo kale maanta waxaa jiri dooona Kulan Madaxweynaha Soomaaliya uu la qaadan doono Madaxda ugu sareysa dalka Qadar, wuxuuna kala hadli doona arrimo badan oo Soomaaliya la xiriira.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu Wadaa in caawa hadii uu Alle idmo Kulan balaaran la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.

Booqashadan, ayaa waxay noqoneysaa middii ugu horeysay uu Farmaajo ku taggo Qatar, waxayna ka dhigan tahay booqashadiisii 10-aad oo dalalka dibadda uu ugu amba baxo, tan iyo markii uu xilka qabtay.

book

bashiir

book

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Dooxa 

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment