2445 Views

Maxkamad Ciidamad Qalabka Sida Oo Xuknun Dil ah Maanata Fulisay

Maxkamad Ciidamad Qalabka Sida Oo Xuknun Dil ah Maanata Fulisay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2017—– Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa Ninkii dilay Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.

Fagaaraha weyn ee Iskool buluusiya ayay Toogashada ka dhacday, waxaana halkaasi goobjoog ka ahaa Saraakiisha ugu sareysa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidamada ammaanka.

Ninka saakay la toogtay oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Xuseen Maxamuud waxaa lagu helay dambi ah inuu dilay C/wali Ibraahim Maxamed Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Muumin Xuseen C/laahi Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah.

Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed ayaa 21-kii bishii June ee sanadkii hore waxaa lagu dilay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa fulisa xukunada dilalka ah xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Ciidamada gaysta dilalka dadka rayidka ah.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment