2484 Views

Wafdi uu hogaaminayo Agasimaha Guud HSJ ayaa gaaray Dalka Norwey

Wafdi uu hogaaminayo Agasimaha Guud HSJ ayaa gaaray Dalka Norwey
____________________________________________________________________________

wafdi-HJS-norwayOslo, Norway | QOL | May 25, 2017 – Dalka Norwey waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee HSJ waxana ay kulamo la qateen madaxda dalkaasi u qaabilsan Socdaalka iyo Jinsiyadda, sido kalena waxa ay booqdeen xarumaha laga maamulo socdaalka iyo kuwa laga bixiyo kaararka aqoonsiga iyo Basaboorka.
Labada dhinac Soomaliya iyo Norwey ayaa ka wadahadlay iskaashiga dhinaca socdaalka, isdhaafsiga waaya-aragnimada (Khibradaha) iyo  aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.
Dhinaca kale wifdiga ayaa booqdey Xaruunta Kaarka aqoonsiga qaranka Norway oo ah xaruun hubisa saxnimada dukumentiyada isla markaana dhowaan khubaro u soo diri doona dalka Soomaaliya, sidoo kale wifdiga ayaa booqdey xaruumaha laga maamulo socdaalka Norway iyaga soo arkay hababka iyo qalabka casriga ah ee loo adeegsado socdaalka iyo dukumentiyada. Wifdiga ayaa sidoo kale la kulmey khubaro dhinaca hubinta dukumentiyada Socdaalada ah.
Wafdigan uu hogaaminayo Agaasimaha guud HSJ aya maalmaha soo socda ku sugnan doona Dalka Norwey.
.
.
________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment