2331 Views

Putlaand Oo Maanta Xukun Riday

Putlaand Oo Maanta Xukun Riday
____________________________________________________________________________

BOOSAASO | QOL | May 27, 2017Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday 5 nin oo dhawaan lagu qabtay Boosaaso ,iyagoo wata gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Shantaan nin oo Afar ka mid ah ay kasoo jeedaan gobolka Baay ayaa Ciidamada Amniga Boosaaso ay qabteen Xilli ay doonaayeen in ay Weeraro Qaraxyo ah in ay ka geystaan Boosaaso.

Dhammaan waxa ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Magacyadda Ragga xukunka lagu riday ayaa kala ah:

  1. Cabaas Ibraahim Aadan 26 sano jir ah
  2. Ibraahim Maxamed Canshuur 20 jir ah
  3. Dhaqane Aadan Cabdi Xasan 25 sano jir ah
  4. Aadan Nuur Aadan 27 sano jir ah
  5. Nuur Cabdi Aadan Isaaq 27 sano jir ah

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | BOOSAASO

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment