2703 Views

Al-shabab oo Xukun Dhagax ku dil ah ka fuliyay Baay

Al-shabab oo Xukun Dhagax ku dil ah ka fuliyay Baay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May 28, 2017——Xarakada Al-shabaab ayaa Xukun Rajmi (Dhagax ku dil) ah ka fulisay Degaanka Raama Caddeey ee Gobolka Baay,kaas oo lagu fuliyay Dhaayoow Maxamed Xasan.

Dhaayow oo sida ay sheegtay Maxkamadda Al-shabaab labo Xaasle ah ayaa kufsaday gabar ka mid ah dadka degaanka Ufurow,waxaan kaddib lagu dacweyay Al-shabaab oo ugu dambeyntii soo xiray.

Xaakimka Maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegay in Dhaayoow uu qirtay Dambiga lagu soo eedeeyay sidaas darteedna lagu fuliyay Xukunka Rajmiga ah.

Dhaayow ayaa Da’diisa lagu sheegay 44 jir,waxaana uu ka mid noday dhowr qof oo Al-shabaab ay ku fuliyeen dad ay ku eedeeyeen in ay galeen dambiyo kala duwan.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment