4116 Views

Ciidamada Liyu Police oo Dad Rayid ah ku dilay Gobolka Mudug.

Ciidamada Liyu Police oo Dad Rayid ah ku dilay Gobolka Mudug.
____________________________________________________________________________

GALKACYO  | QOL | May 28, 2017 —— Cabdi Xuseen Sheekh Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga Gobolka Mudug ayaa Q.O.L uga warbixiyay Dad Rayid ah oo Reer Guuraa ah oo lagu dilay qeybo ka mid ah Gobolkaasi Mudug.

Waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca Amniga Gobolka Mudug  Cabdi Xuseen Sheekh in Ciidamada Liyu Police ay ku dileen deegaanka Saaxo ee Gobolkaasi Mudug 2 qof islamarkaana ay dhaawaceen 3 kale.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ayaa ka gaabsaday tallaabada la gudboon ee ku aadan dadka Rayidka ah ee Ciidamada Liyu Police ku dhibaateeyeen deegaanka Saaxo.

Ciidamada Liyu Police ayaa  dhibaatooyin soo noq noqday u geyta Shacabka ku nool deegaanno ku kala yaalla Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | GALKACYO

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment