3105 Views

Daawo Sawiro:Xildhibaanada Maamulka Galmudug Oo Aqbalay Codsi Ka Yimid Madaxweynaha Galmudug

Daawo Sawiro:Xildhibaanada Maamulka  Galmudug Oo Aqbalay Codsi Ka Yimid Madaxweynaha Galmudug
____________________________________________________________________________

Galagaduud  | QOL | May 28, 2017——Kulan ay Maanta Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ay ku yeesheen Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen in ay ka jawaabaan codsi kaga yimid Madaxweynaha Galmudug Axmed geelle ducaale(Xaaf) kaas oo ahaa in waqti loogu kordhiyo soo magacaabista golihiisa Wasiirada.

Dood dheer kadib xubnaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ogolaaday in mudo 75 Cisho ah loogu daro xiliga uu soo magacaabayo golihiisa Wasiirada.

Xildhibaanii ka qeyb galay kulanka ayaa waxa ay ugu baaqeen in uu waqtiga ilaaliyo islamarkaana mudo 75 Cisho gudahadood uu ku magacaabo golihiisa Wasiirada.

Sikasaba Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in Magaalada Cadaado lagu Caleemo-saaro Madaxweynaha Galmudug waxaana ka qeybgeli doona Madax kala duwan.

 

1-37

2-36

3-33

4-31

5-21

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Galgaduud 

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment