3792 Views

Diyaaradda Turkish Airlines oo saaka ka soo degtay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Diyaaradda Turkish Airlines oo saaka ka soo degtay garoonka Diyaaradaha Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May 28, 2017——Diyaaradda Turkish Airlines ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib saddex maalmood oo ay ku degi weyday.

Illaa afar diyaaradood oo Turkish Airlines ayaa saaka si kala gaar ah uga soo degtay garoonka, kuwaasoo waday rakaabkii dib u dhaca ku yimid afartii maalmood ee la soo dhaafay.

RLabo ka mid ah diyaaradaha ayaa ka soo kicitimay magaalada Mombasa oo labadii cisho ee u dambeysay ku hoyaneysay, halkaasoo geysay rakaabkii ay ka soo qaaday Istanbul ee suura geli waayay in maalmihii Jimcihii, iyo sabtidii keenaan magaalada Muqdisho.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa u soo degi weyday cillado xaga hawada ah, waxaana sabab u aheyd dabeylo dhanka badda ka jiray, iyo in diyaaradda aan loo ogoleyn in magaalada muqdisho dusheeda soo marto, sababo amni awgeed.

Hey’adda Maareynta Hawada ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay door ku aadan dhanka saadaasha hawada ka qaadatay, sidii diyaarada Turkish Airlines ay u soo caga dhigato garoonka.

Qaar ka mid ah rakaabkii ay keentay waday diyaarada ee dib u dhaca afarta cisho la kulmayay ayaa sheegay inay cabsi iyo wal wal la soo deristay, markii dhowr jeer ay diyaarada ku degi weyday garoonka Muqdisho.

Waa markii u horeysay ee hal mar afar diyaaradood oo Turkish Airlines ay ka soo degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, tan iyo markii diyaarada ay si rasmi ah ay duulimaad uga bilowday Soomaaliya sanadkii 2012.

Turkish-1

Turkish-2

Turkish-4

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment