3726 Views

Habeenkii Xalay oo ahaa habeenkii ay Muqdihso ugu Amaanka Fiicnayd!!!

Habeenkii Xalay oo ahaa habeenkii ay Muqdihso ugu Amaanka Fiicnayd!!!
____________________________________________________________________________

Horaa loo yiri “dad xume ninkii ku yiraa, dad laawaa la yiraa”

Muqdisho | QOL | May 28, 2017 –  Habeenkii Xalay oo ahaa habeenkii ay Muqdisho ugu Amaanka Fiicnayd, iyadoo Amaanka Magalada aad loo adkeyey, waana arin wanaagsan oo  farxad iyo horu mar ah.

Waxaan waraysanay Shacabka ku kala nool Degmooyinka G.Bannadir, anagoo waydiinay Shacabka sida ay u arkeen Sugida Amaanka Muqdihso ee xalay, howl galkan oo bilowday abaarahii 5tii galabnimo, madaama ay ahayd maalintii koowaad ee Bisha Ramadaan, isu socodka shacabka iyo Saxmaduna way badnayd, waxaana waydiinay Shacabka Su’alahan.

  • Sidee ayaad u aragteen sugida Amaanka Xalay?
  • Sidee ayey idinla dhaqmeen Ciidamada Amaanka?
  • Wax Xaiyaraad ah mala kulanteen Howlgalka awadiis?
  • Majiraan dhaliilo ama Cabasho aad ka tabanaysaan Askarta?
  • Ma aragteen Saraakiisha howl galka waday?
  • Jawiga magaalada sidee buu kula ahaa? Mid degen mise mid Cabsi leh?
  • Labiska Ciidanka siduu kula ahaa? Labis habaysan mise mid Qaldan?
  • Maadaama aad tahay Shacabka loo shaqeenayo, maxaad ku soo kordhin lahayd Sugida Amaanka?
  • Ciidamada aad la kulanteen, ma ku aragteen Askar aan Soonayn?, oo waqtigaas Jaad Cunaya ama Sigaar Cabaya?

Si kastaba, shacabka waxay aad ugu farxeen, kana Mahadceliyeen qaabka loo sugay Amaanka Muqdihso xalay, waxayna dadka qaar sheegeen in ay tahay markii ugu horeysay ee ay arkaan Askari si XUSHMAD leh ula hadlayo Shacabka, isagoo waydiinaya Aqoonsiyadooda, si xushmad lehna u baaraya Gaadiidka ay wataan.

Nin ka mid ah, Shacabka ku nool Muqdisho, wuxuu ii sheegay in uu maqlay Shacab is waydiinaya Su’aalo, isuna jawaabaya, su’ashana waxay ahayd sidan? “Askartu hadaal macaanaa oo xushmad badanaa, ma Askartii horaa la BEDELAY?, jawaab, ma aqaan, lakiin Caawa way Fiican yihiin”.!!!

War iyo dhamaan, Somalidu waxay tiraahdaa “Amaan lama dhudhumiyo”, waxaa Xaqiiq ah in Shacabku aad ugu farxeen howlgalkii xalay iyo Qaabka Ciidamada Amaanka ugula dhaqmeen Shacabka, waana Horu mar bilow ah oo u baahan in la sii Xoojiyo, si loo helo Amaan la isku halayn karo.

Ugu dambayn, waa waajib saaran Dowlada iyo Shacabka in ay sameeyaan iskaashi wada shaqayn leh, si loo sugo Amaanka loona helo nolol karaama iyo Cisi leh, waayo Nabad la’aan waa nolol la’aan.

Saraakiisha Ciidamada, waxaan leeyahay ku dadaala in aad siisaan Wacyi gelin joogta ah iyo Taba baro jogta ah Ciidamada, si loo helo Ciidamo Tayo leh oo lagu aamini karo Amaanka Shacabka iyo Dalka, waayo wadan waxaa dhisa ama dumiya Ciidan, wadan waxaa Sharaf u yeela iyo Horumar ciidan, Ciidan la’aan waa Cadaalad la’aan.

Saraakiishu waa in ay siiyaan Abaalmarinada ay mudanyihiin ciidamada, iyadoo lagu qiimaynayo Askari kasta Daacad nimadiisa iyo Dadaalkiisa howl karnimo.   

waxaa tusaale noogu filan, in aan is waydiino, waxa ay kula duwanyihiin, wadooyinka Muqdisho iyo kuwa LONDON UK, marka laga hadlayo Amaan.?

Warkiyoo dhan, waxaan leeyahay Qofwalba waxaa Xusi doonta Taariikhda, wanaag iyo xumaan, wixii uu fallo, midna aan ogaano Taariikhda ma duugowdo, wixii ay Qortana ma dhumaan mana la waayo.!!!

Baaqeenu waa “Daryeelow dadaal, Dumiyow nadaa”

.

W/Q  Cumar Farax

Qaranimo-online / Muqdisho

______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment