2256 Views

Maamulka Hirshabeele oo ka hadlay dhibaatooyin dhanka abaarta ee ka jira Gudaha Hirshabelle

Maamulka Hirshabeele oo ka hadlay dhibaatooyin dhanka abaarta ee ka jira Gudaha Hirshabelle
____________________________________________________________________________

jowhar   | QOL | May 28, 2017 —— Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlawe) ayaa ka hadlay xaalada ay ku nool yihiin Bulshada ku nool deegaanada uu ka aarimiyo Maamulka Hir-Shabeelle waqtigaan.

Cali Guudlaawe,ayaa sheegay in dhibaatooyinkii dhanka abaareed ee ka jira deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle ay weli taagan yihiin balse laga gudbay Biyo la’aantii jirtay haatana dadka qaarkood ay la yihiin raashinkii ay Cuni la haayeen.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Shacabka Somaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle in ay iscaawiyaan.

Hadalkaan ayaa Madaxweye ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle waxa uu sheegay xili Shalay Guddiga Gurmadka abaaraha Somaaliya ee Heer Qaran ay kala wareegeen deeq lacag ah oo loogu talo galay dadka ay abaartu saameysay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Galmudug 

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment