2958 Views

Madaxweyne Putland oo ka hadlay dagaalka Mudug

Madaxweyne Putland  oo ka hadlay dagaalka Mudug
____________________________________________________________________________

Garoowe   | QOL | May 28, 2017——Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay dagaalada ka jira qeybo ka mid ah degaanada maamulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalkii u dhaxeeyay Maleeshiyaadka xoolo dhaqatada ah ee maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa degaanka Balibusle ee gobolka Mudug.

Mudane Gaas ayaa ugu baaqay Maleeshiyaadka dagaalamaya in ay xabadda joojiyaan ,islamarkaana ay nabadda qaataan.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee ay dadku ku dhinteen.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay Qaraxaasi, waxaana uu ugu baaqay bulshada kunool degaanada maamulka Puntland in ay ka feejignaadaan Weerarada Kooxaha Puntland kasoo horjeeda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Garaoowe

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment