2715 Views

Nin Dad Barakacayaal ah Ku Rasaaseeyey Caabud Waaq

Nin Dad Barakacayaal ah Ku Rasaaseeyey Caabud Waaq
____________________________________________________________________________

Galgaduud   | QOL | May 28, 2017——Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galguduud waxaa ku dhintay 2 Qof iyada oo 10 kalena ay dhaawacmeen kaddib markii Nin ka carooday Raashin laga qeybinayay halkaas uu Rasaas la dhacay dadka degaanka.

Ninka ayaa la sheegayaa in uu watay Gaari,sidoo kalena heystay Kaar uu doonayay in uu Cunto ku qaato,waxaana kaddib ay isfahmi waayeen Waardiyihii goobta Raashinka lagu qeybinayay.

Gacan qaad dhexmaray isaga iyo Waardiyaha ayaa sababay in uu dib ugu laabto Gaarigiisa kaddibna uu Qori ka soo baxsado kaddibna ku furay dadkii Raashin qeybinta u yimid.

Muuse Maxamed Axmed oo ah guddoomiye ku xigeenka Cabudwaaq,ayaa u sheegay idaacadda q.o.l  in Ninkaasi Rasaasta uu furay ay ka dhalatay dhimashada 2 Qof iyo dhaawac 10 kale.

Muuse,waxaa uu sheegay in Ninka uu ku baxsaday  Gaarigiisa islamarkaana aysan markaas diyaarsaneyn Ciidan soo qabta.

Hay’daha Samafalka mid ka mid ah ayaa halkaas ka qeybisay kaarar Raashin lagu qaato si ay u siiso Raashin Xilliga Ramadaanka,waxaana ka dhashay falkaas

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Galgaduud 

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment