2514 Views

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ciidamada Amisom aysan katalaalneen cudurka daacuunka

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ciidamada Amisom aysan katalaalneen cudurka daacuunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May 28, 2017—— Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Ciidanka AMISOM aysan ka tallaalneyn Cudurka Daacuunka oo hadda ka jira meelo badan oo ka mid ah Afrika gaar ahaa Soomaaliya oo ay ka howlgalaan.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey General Guterres,ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay halis ugu jiraan Cudurka Daacuunka oo hadda ka jira Soomaaliya dad bandanna u dhinteen.

Waxaa uu xusay in 22,000 kun ee ka sirsan AMISOM ee jooga Soomaaliya aysan qabin tallaalka Daacuunka ayna ku heyso walaac.

Ciidanka AMISOM ayuu sheegay in ay hadda ku jiraan xaalad adag oo ah dagaalka Al-shabaab,sidoo kalena ay ka howlgalayaan dal ay abaar adag ka jirto kuan lig leeyihiin howlaha gurmadka ah taas oo sahli karta in ay qaadaan Cudurka Daacuunka.

Deegaanno ka mid ah meelaha ay xarumaha kulleeyihiin Ciidanka AMISOM ayuu sheegay in uu hadda ka jiro Daacuunka oo dadka jooga ay u dhimanayaan,waxaana uu ku daray in aysan fogeysaneyn in Ciidanka AMISOM uu ku dhaco Cudurkaas,halkaasna dhimasho ka soo gaarto.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment