2664 Views

Wiil Bajaajle ahaa oo lagu dilay Bakaaraha

Wiil Bajaajle ahaa oo lagu dilay Bakaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May 28, 2017 —— Goobjooge ku sugan Isgoyska Bakaaraha ayaa waxaa uu Q.O.L u sheegay in halkaas wax yar ka hor lagu dilay Wiil Bajaajle ahaa oo halkaas ku sugnaa.

Wiilka Dhintay ayaa waxaa Rasaasta ku furay Nin xirnaa Dharka Ciidanka dowladda,kaas oo kaddib goobta ka baxsaday.

Qofka Goobjoogaha ah nooma xaqiijin in Askariga iyo Wiilka dhintay ay mur meen iyo inkale waxaana uu intaas ku daray in Maydka Wiilka Bajaajlaha ah uu wali goobta yaal.

Askarigii falkaas geystay ayaa ka cararay goobta,waxaana hadda goobtii ku sugan dadweyne raadinaya Ehelka Wiilka Bajaajlaha ah ee la dilay sida uu Goobjoogahaas noo sheegay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment