3936 Views

Dhaqanadii Xuumaa ee ka Jiray Wadamada Dibada oo Loo soo Dhoofiyey Somaaliya!!!

____________________________________________________________________________

May 29, 2017

Dhaqanadii Xuumaa ee ka Jiray Wadamada Dibada oo

Loo soo Dhoofiyey Somaaliya!!!

Horaa loo yiri,  “deriskaa ku dayo ama ka darnow”

 

Wadan kasta iyo Shacabkiisa, waxay noloshooda iyo mid nimadooda  ku dhisantahay ku dhaqanka Diinta ay  Aaminsanyihiin iyo Sharciga maadiga ah ee  umadi ay ku heshiiso, waayadan dambe waxaa Caado noqotay in Somaaliya loo soo DHOOFIYO Dhaqanadii Xumaa ee ka jiray wadamada Dibada ama Qurbaha.

Soo dhoofinta dhaqanadan Xun Xun, waxaa ma suul ka ah, Shaqsiyaad Somaali ah oo ay dabada ka Riixayaan NGo-yo  Ajnabi ah, waana Mashruuc Cusub oo la rabo in lagu FIDNEEYO DIINTA iyo DHAQANKA suuban ee Somaaliyeed, waxaana lagu bixiyaa MAAGELIN aad u badan, si loo Fidneeyo umada Somaaliyeed.

Hadaba, ilaa 5tii sano ee ugu dambaysay, Arimahan Dhaqan Xumada ah, waxay si Tartiib tartiib ah ugu soo badanayaan Gudaha dalka, mana Jirto cid ilaa iyo hada ka samaysay wacyi gelin ka hortag ah (thoughtful awareness), waana dhibaatooyin u baahan in si deg deg looga hortago inta aysan ku faafin bulshada guud ahaan.

Waxyaabaha dhaqan Xumada ah ee loo soo dhhofiyey Somaaliya  waayahan ee aad loo Buun Buuniyo, waxaa ka mid ah, Arimahan.

  • Arimaha Kufsiga.
  • Tarbiyada Caruurta ama Dhaqan Celinta Caruurta.
  • Dhaqanka ama Nolosha Qoyska.

 

ilaa iyo hadana kama hadlin Arimahan hay’adaha fulinta ee ku shaqada leh, sidii looga hortagi lahaa,  dhibaatooyinkan cusub ee soo kordhay, waxaadna moodaa in ay aysan weli fahmin Qatarta ay leeyihiin Arimahan naloo soo dhoofiyey.

Umada Somaaliyeed, waligeed way Xalin jirtay Xad Gudubka lagu sameeyo DUMARKA, Tarbiyada caruurta iyo Ilaalinta Dhaqanka qoyska, mana jirin wax dhibaato ah oo ka jiray Arimahan, marka laga reebo Shaqsiyaad yar oo si Xun ula dhaqmo Qoyskooda ama  sameeya ficilo Xadgudub ah caruurtooda, Taasina waxay ka jirtaa Caalamka oo dhan, mana aha wax Somaali ugaar ah.

 

War iyo dhamaan, waxaan Fariin Culus u dirayaa Dowlada, Golaha Shacabka, Culimada, Aqoonyahanka iyo Odayaasha dhaqanka in si deg deg ah looga hor tago Fitnooyinka lagu marin habaabinayo Diinta iyo Dhaqanka Umada, iyadoo loo adeegsanayo Shaqsiyaad u adeega Cadowga umada Somaaliyeed oo aan dan ka lahayn Diin iyo Dhaqan toona, Somaalidu  waxay tiraahdaa “cudurka ka hortagiisa ayaa ka wanaagsan,  daawayntiisa”.

hadii aan dhibaatooyinkan looga hortagin si Aqoon iyo Geesinimo leh, waxaa la arki doonaa, wax yaabo badan oo aan weli horey loo arag oo fadeexo ku ah Diinta iyo Dhaqanka Somaaliyeed, waayo waxaa la soo adeegsan doonaa Shaqsiyaad nala wadaaga Magaca iyo Diinta.

 

Ugu dambayn, waa in si deg deg ah loo Qoraa Sharciyadii loga hortagi lahaa Fitnooyinkan, iyadoo Asal ama Tiir looga dhigayo Shareecada Islaamka, sida aan wada ognahay ilmihii Somaaliyeed ee ku dhashay Qurbaha Gacan kuma jiraan, markii ay dhib gaystaan waxaa la gabagabeeyaa qoyskii dhalay, markii loo soo Celiyo dalkooda si loo dhaqan Celiyo, waxaa Waalidka lagu Eedeyaa in ay ilamaha Jirdilaan oo ay Xadgudub Maxkaxeed  ku sameeyaan (physical torture).

Waxaana Xaqiiq ah in uu san jirin dunidan Dusheeda, Waalid ka ilmo jecel, waalidiinta Somaaliyeed, mana ka suuro gasho waalidiinta Somaaliyeed in ay ilmahooda Xadgudub ku sameeyaan, marka laga reebo Shaqsiyad tiro yar ah, taasina waa dhib ka jira umad kasta dhexdeeda.

Dowlada Somaaliyeed waa in ay si Toos ah iyo si dadbanba ula hadashaa, Dowladaha Caalamka, una sheegtaa in aan meel looga dhicin Xuquuqda ay leeyihiin Muwaadiniinta Somaaliyeed ama waalidiinta raba in ay Tarbiyaystaan Caruurtooda, si loo helo Caruur Mustaqbal leh oo wax utara Dalkooda iyo Dadkooda,  mana aha in lagu xad gudbo Xuriyada Dalka iyo Dadka, waana in la ilaaliyo Xerarka u degsan Caalamka ee tarbiyada Caruurta.

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo online /Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment