3039 Views

Dadweyne ku hor banaan baxay afaafka hore ee Safaaradda Imaaraadka Muqdisho

Dadweyne ku hor banaan baxay afaafka hore ee Safaaradda Imaaraadka Muqdisho
____________________________________________________________________________

 

 

Muqdisho  | QOL | May 30, 2017—— Dadkii ka qeyb qaatay dhismaha safaaradda Imaaraadka Carabta iyo isbitaalka sheekh Zaid ayaa la sheegay inay ku hor-banaan baxeen afaafka hore ee Safaaradda Imaaraadka ee ku taala degmada C/casiis.

Dadkan oo u badnaa muruq-maalkii ka qeyb qaaday dhismaha iyo ganacsato ayaa ka cabanayay in aan la siin xuquuqdooda iyo lacagta qalabka shirkadaha dhismaha laga soo qaaday oo aan wali la bixin.

Qaar ka mid ah dadkii banaan baxa ka dhigay afaafka hore ee Safaaradda Imaaraadka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ka cabanayaan in illaa iyo hadda aysan helin lacagtii ay Imaaraadka ugu dhiseen xarumahan.

Dadka ay safaaradda kala maqan tahay xoolahooda waxa ay iskugu jiraan ganacsato iibisa qalabka dhismaha  iyo muruq-maalkii dhisay dhismaha ay safaaradda ku jirto.

Mid ka mid ah muruq maalkii ka qeyb qaatay dhismaha safaarada oo magaciisa ku soo gaabiyay Maxamed ayaa sheegay inuu wax ka dhisay dhismaha Safaaradda Imaaraadka, isla markaana lacagtii uu xooggiisa ku shaqeystay loo diiday, albaabadana laga xirtay.

“Imaaraadka ayaa u shaqeynayay, waxaa ka qeyb qaatay dhismaha isbitaalka Sheekh Zaid iyo safaaradda, lacag ayaa iga maqan oo 15 maalmood ah, dhowr jeer ayaa u soo noq-noqday, illaa iyo hada cid i siisay ma jirto”ayuu yiri ninkan oo magaciisa ku soo gaabiyay Maxamed oo sheegay in loo heysto lacago deyn ahaa oo dukaan uu raashin ka qaatay ah.

Sidoo kale Ganacsatada shirkadaha dhismaha ayaa iyana ka cabanaya in aan wali la siin lacago ay ku lahaayeen Imaaraadka Carabta oo ahaa qalabkii dhismaha.

“Waxaan ka cabanaynaa maanta oo meeshaan na keenay dhibaato aad iyo aad u baaxad weyn xoolaheenii oo naga maqan waxaan nahnay shaqaale, waxaa naga maqan xoolo, xoolahaas oo ka kooban bir, alwaax, shamiito  iyo bulokeeti”ayuu yiri mid ka mid ah Ganacsatada qalabka dhismaha ee Muqdisho.

Avv. Axmed Ibraahim oo ka mid ah qarreenada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadkan isugu jira muruq-maalka iyo ganacsatada ay ka cabanayaan Imaaraadka, isla markaana loo diiday xuquuqdooda, waxaa uu xusay in wax kasta oo dhanka sharciga ku saabsna uu ku taageerayo dadkan, sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Safaaradda Imaaraadka Carabta ayaa wali ka hadal arrintan iyo cabashada ka timid muruq maalka iyo ganacsatada qalabka dhismaha, waxaana dadkii  isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta safaaradda kala eryay ciidamadii ilaalinaya safaaradda.

 

 

 

.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment