2748 Views

Howlihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo si caadi ah kusoo laabtay

Howlihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo si caadi ah kusoo laabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 30, 2017—— Waxaa si caadi ah ku soo laabtay howlihii ka socday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay hakad ku jireen muddo saacado ah.

Diyaaradii ku burburtay wadada diyaaradaha adeegsadaan ayaa laga qaaday goobta, waxaana ka qeyb qaatay qaaditaanka burburka diyaarada Wiishash, sida ay Jowhar.com u sheegeen masuuliyiin goobta ku sugan.

Burburka diyaaradda ay leedahay Shirkada Bancraft ayaa saameeyay wadada ay ku dagaan diyaaradaha, waxayna sababtay in muddo saacado ah wax diyaarad ah kasoo dagin garoonka.

Diyaaradda ayaa shilka gashay kadib markii ay lugaha u bixi waayeen, waxaana diyaarada qeyb ka aheyd diyaaradaha caawiya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo.

Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in hadda xaalada ay caadi kusoo noqotay islamarkaana dib ay u bilowdeen howlihii garoonka ka socday.

 

 

.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment