2658 Views

Maamullka Jubbaland amar kusoo rogtay shirkaddaha dhismaha

Maamullka  Jubbaland amar kusoo rogtay shirkaddaha dhismaha
____________________________________________________________________________

Kiamaaayo   | QOL | May 30, 2017 —— Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta ee Maamulka Jubbaland Shukri Wayrax Kaariye ayaa sheegay in ay soo saarayaan sharciyo lagu hormarinayo dadka ka shaqeeya dhismayaasha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkadaha ka shaqeeya dhismayaasha loogu baahan yahay in ay isa soo diiwaan geliyaan isla markaan wasaarada ay sida tooska u hoostagaan in ay la shaqeeyaan.

Waxa uu sheegay in aysan ogolaan doonin in shirkado iyo Hay’ado dhismo oo aan sharciyeysneyn in ay ka Howlgalaan degaanada Jubbaland.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo dhismaha wadooyinka iyo Xarumaha Maamulka Jubbaland.

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryeynta ee Maamulka Jubbaland Shukri Wayrax Kaariye ayaa ugu baaqay shacabka Jubbaland in ay ka qeyb qaataan Hormarinta degaanada Jubbaland

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Kismaayo

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment