2982 Views

QM Oo Shaacisay In Ay Gaga Dhinteen Howlgalka soomaliya 113,000

QM Oo Shaacisay In Ay Gaga Dhinteen Howlgalka soomaliya 113,000
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May 30, 2017 —— Qaramada Midoobey ayaa isniintii u dabaal-degtay maalinta nabadda adduunka, 70 sano oo shaqo geesinnimo leh, 70 sano oo  nabad ilaalin caalami ah, waxaa sanadkan halku dheg looga dhigay shaqadooda “Investing in Peace Around the World”.

Sida ay sheegeen Ilaa hadda 54 howlgal ayaa la soo gabagabeeyay, waxaa kale oo hadda gabagabo maraya nabad ilaalinta dalalka Cote d’Ivoire iyo Liberia.

Waxaa ay qoreen sida ay ku guuleysteen nabad ilaalinta wadamada Angola, Cambodia, Croatia, El Salvador, Guatemala, Namibia, Sierra Leone, Timor-Leste iyo meelo kale.

“Ciidamada nabad ilaalinta waxaa ay qabtaan, xabad joojinta, ilaalinta xuquuqul insaanka, taageeridda doorashooyinka xorta ah, dhiirigelinta sharciga iyo kala dambeynta iyo miino saarista, waxaa intaa dheer  in haweenka ay xuquuq siyaasadeed helaan.” Sidaa waxaa sheegay Xogheyaha guud ee ururka António Manuel de Oliveira Guterres.

Xoghayaha guud waxaa uu sheegay oo kale  in sanadkii uu jagada hayey uu shaqo badan ka qabtay kufsiga iyo dhibaatada kale ee lagu eedeeyay ciidamada nabad ilaalinta, isagoo soo jeediyay in ay tahay in casharadaas wax laga barto, isla markaana loo shaqeeyo bulshada nabadooda la sugayo.

Qaramada Midoobey ayaa ammaan u jeediyay in ka badan 113,000 oo loo yaqaano Koobiyad Buluug oo haatan 16 dal oo caalamka ah ka howlgala.

llaa 1 Milyan oo rag iyo haween ah ayaa ka shaqeeyay howlaha nabad ilaalinta, waxaana dhintay in ka badan 3,500.

Sanadkii tagay waxaa UNka ka dhintya 117 halka sanadkan 5ta bil ee horreysay ay ka dhinteen 43 askari, waxaa uu xogheyahadooda guud sheegayaa in ay sii wadaan howlaha ay caalamka u hayaan, isaga oo wadamada ku dhiirigeliyay in ay ciidamo diraan, si loo qabto nabad ilaalin.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment