3210 Views

Socdaalka adkeynta nabadda oo Cadaado ka dhacay iyo Gaas iyo Xaaf oo ka wada hadlay nabadda Galkacyo

Socdaalka adkeynta nabadda oo Cadaado ka dhacay iyo Gaas iyo Xaaf oo ka wada hadlay nabadda Galkacyo
____________________________________________________________________________

Cadaado   | QOL | May 30, 2017 —— Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen  in la gaaray xilligii la soo afjari lahaa colaadaha ka jira deegaanno ka tirsan gobolka Mudug kuwaas oo mararka qaar dhex mara ciidamo kala taabacsan labada maamul.

Axmed Ducaale Xaaf iyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa socdaal ay ugu magac dareen socdaalka adkeynta nabadda waxay ku dhex mareen magaalada Cadaado ee caasimadda Galmudug.

Cabdiwali Gaas oo ugu horreyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ay kawada hadleen nabad ku soo dabaalidda gobolka Mudug si bulshada ay kalsooni ugu wada noolaadaan.

“Waxaan rabaa inaan halkani ka caddeeyo, waxaan rabnaa inuu dhulkani uu nabad ahaado Soomaaliya nabad bay u baahantahay, madaxweyne Xaaf waxaan ka wadahadalnay inaan kawada shaqeyno nabadda”.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf waxa uu dhankiisa sheegay inay la xisaabtami doonaan cid kasta oo ka shaqeysa hurinta colaad ku soo laabata magaalada Galkacyo iyo deegaannada kale ee gobolka Mudug.

“Waxaa rabaa inaan aad uga hadlo hadda waxaan dhex taagannay bartamaha magaalada Cadaado waana nabad, umadda reer Galmudug iyo reer Puntland waxaan idiin sheegeynaa aniga iyo Cabdiwali shacabkeenow israaca isku calool furnaada wixii dhiba way joogsan doonaan”.

Hadalkaan ka soo baxay hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland  waxa uu rajo galinayaa shacabka ku nool deegaannda gobolka Mudug oo xilliyada qaar marti galiya isku dhacyo dhex mara ciidamo kawada tirsan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment