3033 Views

Warbixin:- Fadalan Afuri Hooyadan An Afurka Haysan

Warbixin:- Fadalan Afuri Hooyadan An Afurka Haysan
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May 30, 2017 —— Waa Hooyo Muumino Aadan Cali oo ah 80 sano jir lugaha Naafo ka ah, Waxa ay ku nooshahay Kaamka Ijaabo ee ku yaalla degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Guriga ay ku nooshahay waa mid ka sameysan cooshado oo aan iska celin Karin roobka iyo dabeysha saa’idka ah, Waxaan kula kulmay Banaanka hore ee gurikeeda Xilligii aan la kulmaayay waxa ay ku fadhiday Kursiga loogu tala galay dadka lugaha Naafada ka ah.

Kursiga ay ku fadhiday waxa uu ahaa mid qeyb ka mid ah bur bursan oo aan lagu kaxeyn karin Marka ay dibada rabto in loo kaxeeyo ama lagu socod siiso.

Hooyo Muumino Aadan Cali ma heysato wax ay ku afurto iskaba daayee casho iyo saxuur, waxa ay abaar darteed uga soo barakacday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waqtigii aan la kulmayay waxa ay ahayd xilli duhur ah, waxa ay ii sheegtay in aysan meel ku ogeyn wixii ay ku afuri lahayd Habeenkaas, waxa ay sidoo kale sheegtay in ay heli karto oo keliyo biyo ay cabto oo ay ii sheegtay in laga yaabo maalinta xigta oo dhan ay ku soonto biyahaasi.

Hooyo Muumino Aadan Cali ayaa ka Cudur daaratay iney Waqti badan hadasho maadaama sida ay sheegtay ay dareemeyso Xanuun dhan kasta ah balse si kooban ayay ila hadashay.

Hooyo Muumino baahida heysa ka sakow waxaa heysta dhib kale oo ah kursigii ay isticmaaleysay ayaa ka ciladoobay oo qeyb ka mid ah burburay.

Ugu dambeyn Hooyo Muumino Aadan Cali ayaa Umadda Muslimiinta ah ka dalbatay iney ku soo caawiyaan wax walbo oo ay awoodaan si gaar ah waxa ay u dalbatay raashiin ay ku Soonto inta bisha Ramadaan ka dhiman iyo in lagu caawiyo Kursiga dadka lugaha Naafada ka ah ay isticmaalaan.

Xaaladaha dunida iyo daruufuhu waa kuwa aad u kala duwan, dadna baahi iyo diihaal ayaa daashaday, oo waa kuwaa dalan baabi dhacaaya, kuwana daaraha ay ku jiraan ayaa cunto diihan ay ka soo daadiyaan oo dharag ay la daacoodaan.

Laakiin cidna daalac loo raacan mayo oo Alle ayaa deeqda bixiya oo ciduu doono siiya, ciduu doonana u diida Waa iska Xaal aduun.

Fadlan cidii rabta iney caawiso Hooyo Muumino ha kala Xiriirto Maamulka Idaacadda Risaala 0615550138

p

pp

ppp

pppp

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment