4296 Views

Dhismaha cusub ee Jaamacadda Galgaduud oo xariga laga jaray

Dhismaha cusub ee Jaamacadda Galgaduud oo xariga laga jaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 01, 2017 – Munaasabad ballaaran, oo xariga looga jarayay Dhismaha Cusub ee Jaamacada Galgaduud, taas oo laga hirgeliyay Magaalada Cabuud-waaq, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiru dowlada Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliin sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale, Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulka Degmada, Ardeyda Jaamacadda, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo halkaa lagu casumay.  Guddoomiyaha Jaamacadda Galgauud University ayaa ugu horayn tilmaamay in Jaamacaddan ay dabooli doonto baahiyaha dhanka tacliinta sare ee ka jirta degmada, uuna ku faraxsanyahay in xariga laga jaray Jamacaddaan.

Madaxwaynaha Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale iyo Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa xusay in Jaamacaddu ay door muuqdo ka qaadan doonto sare u qaadidda tacliinta isla markaana daboli doonto baahida ka jirto Gobolka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Muxamuud Cabdulle ayaa sheegay muddadii uu ku sugnaa magaalada Caabudwaaq uu ku arkey horumar, dhanka waxbarashada ah oo laga sameeyay magaalada

Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta lagu dhagax dhigay Masaajid loo dhisayo Jaamacadda Galgaduud sida uu sheegay  Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment