4173 Views

Halkii wado ee Muqdihso ugu mashquulka badnayd oo ay ka muuqato Nadaafad Xumo Ba’an.

Halkii wado ee Muqdihso ugu mashquulka badnayd oo ay ka muuqato Nadaafad Xumo Ba’an.
____________________________________________________________________________

Horaa looyiri nin maqani tabidiis, waa nin jooga caybtiis”

Muqdisho | QOL | June 1, 2017 – Halkii wado ee Muqdisho ugu mashquulka badnayd oo ay ka muuqato Nadaafadxumo Ba’an, waana arin ilaa iyo hada ay Shacabku is waydiinayaan, aadna u la yaabanyihiin sababta aan wax looga qaban Nadaafada wada Maka ALMUKARAMA, laga soo bilaabo Ex Kontorol Jamacada umada ilaa Barxada SAYIDKA.

Sida la og yahay maalmo ka hor waxaa da’ay Roobab badan oo wadada ku soo shubay Caro iyo Qashin aad u badan, inkastoo wadadu aysan lahayn Bulaacado qaada WASAQDA, taasi oo dhalisay in ay mar walba fariistaan wadada Biyaha, Ciida iyo Qashinka, iyadoo la rabay in mar walba loo sameeyo wadada nadaafad joogta ah.

Hadaba, waxaa mudan in la iswaydiiyo, xagee ayuu jiraan maamulkii Cusbaa ee G.Bannadir?, majira miyaa Kormeer la socda Xaalada nadafada ee Magaalda Muqdisho?, yaase qaadi doono Masuuliyada Nadaafad Xumada ka Muuqata halkii waddo ee ugu Zaxmada badnaa Muqdihso?

Waxaan arkay Dhagax SHUB ah oo Birihiisi wata oo dheyaal Jidka, halisna ku ah Gaadiidka maraya wadada oo sababi kara SHILL iyo Ciid aad ubadan oo qarisay wadada meelaha qaar iyo Qashin ay soo qaadeen biyaha.

War iyo Dhamaan, waxaan Fariin Culus u dirayaa, G. Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa in si deg deg ah, wax looga qabto nadaafada magaalada, gaar ahaan meelaha ugu muhiimsan Muqdisho, ayna ku xirantahay BILICDA magaalada.

Wadada Maka Almukarama, sida aan ognahay waa wada aad muhiim u ah, una baahan in mar walba lagu dadaalo nadaafadeeda, waxaa xaqiiq ah in ay Sacad kasta maraan, Madaxda dowlada, sida Xildhibaano iyo Wasiiro ayna arkaan dhibaatada ka jirta wadada, welina ma jiro qof masuula oo ka hadlay dhibaatadan, waana Masuuliyad daro ka muuqatada madaxdii martay wadadaas laga soo bilaabo maalintii roobku da’ay ilaa iyo hada ay Bisha  june tahay kow.

Waxaa suura gal ah in ay madaxda Qaar aysan Fahmi Karin, Dhibatada ka jirta wadada, waayo waxay arki jireen iyadoo Ba’basan oo Qashin dhexyaal, oo aysan ogayn sida ay ahaan jirtay wadada Maka Almukarama wixii ka horeeyey 1990-kii,

 Horaa loo yiri “Geel maxaas indho kuul ka kasaa, Kurtankiisuu ku Xoqdaa”,  Muqdishay Xaal Qaado. !!!

Waxaan rajaynayaa in aan aragno wadada oo ay ka muuqato Bilic iyo nadaafad lagu farxo, lana kordhiyo dadaalka dib u dhiska magaalada Muqdisho.

Horaa loo yiri, “gacmo wada jir ayey wax ku gooyaan”, Shacabkana waxaan leeyahay ka soo baxa kaalintiina ku aadan dib u dhiska dalka.

.

.

W/Q   Cumar Farax

Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment