2826 Views

Howlgal Isbaaro qaadis ah oo ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose

Howlgal Isbaaro qaadis ah oo ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 01, 2017——– Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa howlgal Isbaaro qaadis ah waxa ay ka wadaan tuulooyin hoostaga degaanka leego ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo maalmihii u dambeeysay dadka ku nool ay ka imaaneyso cabasho ku aadan in ay la kulmayaan dad mararka qaar wadada u galaya.

Ciidamada ayaa howlgalada waxa ay ka wadaan inta u dhaxeysa Diyaaradaha Diyaaradaha Bali-Doogle iyo deegaanka leego ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose Abuukar Isxaaq(Alcadaala) oo la hadlay Q.O.L  ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid ay ku qaadayeen isbaarooyin ay dhigteen Kooxo Burcad ah kuwaas oo dadka dhibaateyn jiray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin intii ay howlgalka wadeen  ka hortimid islamarkaana ay ku guuleesteen in ay qaadaan Isbaarooyinkaas.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment