2553 Views

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Heshiiskii Ay Saxiixdeen Gaas Iyo Xaaf

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Heshiiskii Ay Saxiixdeen Gaas Iyo Xaaf
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | jJune 01, 2017——Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u jooga Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay Heshiiskii Magaalada Cadaado ay dhawaan kula saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne maamul goboleed loogu amaanay heshiiska ay kala sexiixdeen ,waxaana looga codsaday  labada dhinac in ay ka shaqeeyaan in ay ka mira dhaliyaan hishiiskaas.

“Beesha Caalamka waxay soo dhoweyneysaa Heshiiska Nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahanyahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaan dhiira galino” ” ayuu yiri Keating

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment