3408 Views

Sarkaal ma tirsan ciidamada Soomaaliland oo lagu dilay Magaalada Laas-Caanood

Sarkaal ma tirsan ciidamada Soomaaliland oo lagu dilay Magaalada Laas-Caanood
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | jJune 01, 2017——Wararka aan ka heleyno Magaalada laas-caanood ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegyaan in halkaasi lagu dilay Qasnajigii Magaalada laas-Caanood xili uu ku sugnaa Magaalada Taleex fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Maamulka Somaaliland.

Qasnajiga ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Aadan Cige,waxaana dilay xalay dabley hubaysan kaas oo dilka askarigan lala xiriirinayo arrimo  Aano qabiil ah sida ay Radio Dalsan u sheegeen dadka magaalada Taleex.

Weli Maamulka Soomaaliland kama hadlin dilka Sarkaalkaan,waxa uuna daba joogaa dhaawicii xalay Magaalada burco loogu geestay taliye ku xigeenkii Ciidanka booliiska Magaalada Burco.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment