2604 Views

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka oo isku soo dhiibay ciidamada Dowlada

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka oo isku soo dhiibay ciidamada Dowlada
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | jJune 01, 2017 ——– Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Alshabaab uu isu soo dhiibay ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Buuloburte.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan, Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa xaqiijiyay isa soo dhiibida sarkaalkan ka tirsanaa ururka Alshabaab.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Bishaar Muumin Afrax waxana uu  Al-shabaab u qaabilsanaa ciidamada howdka ka dagaallama, isaga oo hoggaamin jiray boqolaal askari sida uu sheegay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada ee gobolka Hiiraan.

Sarkaalkan ka soo goostey ururka Alshabaab ayaa la sheegay inuu xiriir la soo sameeyay ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Hiiraan waxana uu ku hubeysnaa qori Ak-47 ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab kaasoo xaqiijinaya is dhiibida sarkaalkan.

Ururka ALshabaab ayaa maamula deegaano kamid ah gobolka Hiiraan waxaana ay kala jareen isu socodka gaadiidka wadada muhiimka ee laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka waaweyn ee gobolka Hiiraan.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment