2964 Views

Soomaaliya oo loo doortay Agaasime ku xigeenka shir-guddoonka Hay’ada Caafimaadka Adduunka

Soomaaliya oo loo doortay Agaasime ku xigeenka shir-guddoonka Hay’ada Caafimaadka Adduunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 01, 2017 –  Soomaaliya ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ku fariisatay kursiga Agaasime ku xigeenka shir guddoonka hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee loo yaqaan WHO.

Dr Fawziya Abiikar Nuur,Wasiirka Caafimaadka dowlada federalka Soomalaiya, ayaa noqotay agaasime ku xigeenka shirguddoonka hay’ada WHO waxayna ka qeybqaadatay codeynta Madaxa guud ee Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Asbuucii hore.

Soomaaliya ayaan ku qadsanayd codeenta WHO, kadib markii dhaqaalo lagu yeeshay. Laakinse dowlada Soomaaliya oo bixisey dhaqaalahaasi qeyb ahaan ayaa u fududaysay in ay cod ku yeelato Hay’adda an kor ku soo sheegnay.

Wasiirka Caafimaadka dowlada Federalka oo wareysi siisay laanta afka Soomaaliga ee WHO ayaa sheegtay in dhowaan hoos u dhac uu ku yimid cudurka shuban biyoodka balse laga yaabo in uu dib u soo laabto kadib marki ay curteen Roobabki dhawaan ka da’ay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

WQ/: Ali Omar Ghedi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment