2808 Views

Warbixni :-Soomaaliya kaalintee ayay ka gashay dalalka Afrika ugu wanaagsan Ciidanka Millitariga

Warbixni :-Soomaaliya kaalintee ayay ka gashay dalalka Afrika ugu wanaagsan Ciidanka Millitariga
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | jJune 01, 2017——–Dowladda Masar ayaa noqotay wadanka Afrika dhanka Ciidanka Millitariga ugu wanaagsan, waxaana ku xiga dalalka Algeria, Ethiopia, Nigeria iyo koonfur Afrika, kuwaasi oo iyaguna ka mid noqday dalalka dhanka Ciidanka Millitariga ugu wanaagsan Afrika.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda dunida u qaabilsan ogaanshaha awooda Ciidanka Millitariga ee (GFP) ayaa waxa ay ku sheegtay in Dowladda Masar ay tahay Dowladda Afrika ugu wanaagsan dhanka Ciidanka Millitariga.

Waxyaabaha lagu qiimeeyay Dowladda Masar oo ay ku gashay kaalinta koowaad ayaa ah in Ciidamadeeda ay heystaan Agab dhameystiran oo dhanka Cirka, Dhulka iyo Badda ah.

Kaalinta labaad waxaa galay dalka Algeri, Saddexaad waxaa gashay Ethiopia, waxaana dhammaan Ciidamadan laga qiimeeyay qalabka ay heystaan, awoodahooda dhanka Cirka, Dhulka iyo Badda intaba.

Dalkeena Soomaaliya waxa uu galay kaalinta 29-aad, waxaana keliya ka dambeeya Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Wadamada ayaa kaalmaha waxa ay u kala galeen sida tan.

  1. Masar 2. Algeria, 3. Ethiopia, 4. Nigeria, 5. Koonfur Afrika, 6. Angola, 7. Marocco, 8. Suudaan, 9. Libya, 10. Democratic Republic of Congo, 11. Kenya, 12. Tonisia, 13. Zembabwe, 14. Zambia, 15. Chad, 16. Tanzania, 17. Uganda, 18. South Sudan, 19. Ghana, 20. Cameroon, 21. Mozembique, 22. Niger, 23. Ivory Cost, 24. Mali, 25. Madagascar, 26. Gabon, 27. Republic of Congo, 28. Namimbia, 29. Somalia, iyo 30. Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Marka aduunka loo eego wadanka ugu wanaagsan Ciidanka Millitariga waxaa la sheegay in uu yahay dalka Mareykanka, waxaa ku xiga Ruushka, Chinaha, Hindiya iyo Ingiriiska.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment