3222 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xilalka ka qaaday maamulada degmooyinka Cadale iyo Mahaday Ee Gobalka Sh/Dhexe

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xilalka ka qaaday maamulada degmooyinka Cadale iyo Mahaday Ee Gobalka Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | jJune 01, 2017—— Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalka looga qaaday guddoomiyaasha degmooyinka Mahaday iyo Cadale iyadoo guddoomiyaal cusubna uu magacaabay.

Guddoomiyihii hore ee degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax ayaa lagu bedelay guddoomiye Cabdulaahi Maxamed Xuseen (Geeldoox) halka guddoomiyihii hore ee degmada Cadale Muxidiin Suudi Macalin lagu bedelay Muuse Maxamed Axmed (Kali).

Wareegtadan ayaa sidoo kale waxaa xilalka looga qaaday dhamaam maamulkii degmada Cadale waxaana loo magacaabay;-

Xuseen Muxidiin Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Amniga iyo Siyaasada,Cali Cabdulle Caddow guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada. Muqtaar Maxamuud Axmed guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyadoo sidoo kale Xoghayaha Dowlada Hoose loo magacaabay Cabdi Xasan Maxamuud.

Waa markii ugu horeysay ee Wasiirka Arrimaha Gudaha uu xilalka ka qaado maamulo degmo. Dhowaan ayaa waxaa xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Balcad.

1

2

3

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment