2562 Views

Amara Horleh Oo Ay Soo Rogeen Laamaha Amaanka Maamulka Putlanad

Amara Horleh Oo Ay Soo Rogeen Laamaha Amaanka Maamulka Putlanad
____________________________________________________________________________

Garoowe| QOL | June 02, 2017——–Bashiir Cismaan Cawad Taliyaha saldhiga kontaroolka galbeed ee magaalada Garowe, ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan dar dar gelinta ammaanka kantaroolka Garowe iyo hubinta gaadiidka xamuulka qaada ee isaga kala goosha gobolada Puntland.

Taliyaha ayaa soo dhoweeyay isbedelkii lagu sameeyay ciidankii ka howlgalayay saldhigiisa iyo saldhidiga Laac-dheere, wuxuuna sheegay in dhammaan la badelay ciidankii la howlgalayay, waxaana lagu soo badelay ciidamo cusub oo shaqada la wareegay.

Kabtan Bashiir wuxuu sheegay gaadiidka qaraxyada lagu soo qariyo inay yihiin kuwa qaada xoolaha iyo qudaarta ee ka yimaada inta badan gobolka Hiiraan, Wuxuu tilmaamay laga bilaabo maanta inuusan gudbi doonin gaadiidka aan dhulka la dajin alaabta uu sido.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha in aysan aqbali doonin in Degaanada Puntland la soo geliyo Qaraxyo, kuwaasi oo lagu dhibaateynayo shacabka

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment