2610 Views

Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 02, 2017 —— Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgalo qorsheysan waxa ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolkaan Banaadir howlgaladaas ayaa waxaa lagu qabqabtay dad farabadan oo looga shakisan yahay in ay amnigi lidi ku yihiin.

Ciidamada Nabad-Sugida iyo kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa waxa ay howlgalada ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkenleey oo labadii Maalin ee la soo dhafay ay ka dhaceen falal amnidaro ah.

In ka badan 100,Ruux ayaa lagu qabtay howlgalkaas kuwaas oo u badan dhalinyaro,waxaana ugu dambeen la sheegay in in badankooda lasii daayay kadib markii laga saaray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada kuwa xasilinta amniga Muqdisho ayaa War-Baahinta u sheegay in howlgalkii ay sameeyeen Ciidamada xalay qeybo kamid ah degmada Wadajir lagu qabtay mid kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab walow aysan magaciisa sheegin.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment