4098 Views

DAAWO SAWIRADA:- Khasaaraha ka dhasahay qaraxii ka dhacay Sacuudiga oo sii kordhaya

DAAWO SAWIRADA:- Khasaaraha ka dhasahay qaraxii ka dhacay Sacuudiga oo sii kordhaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 02, 2017 —— Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay gaari ku qarxay magaalada Qatif ee ku tala bariga dalka Sacuudi Carabiya.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa ku waramaysa in magaalada Qatif ee uu qaraxu ka dhacay oo xeebta ku taalla ay u badan yihiin Shiicadu.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa iyaduna soo xigatay qof goob jooga oo dalbaday in aan la magac dhebin, oo sheegay in baabuurta gargaarka degdegga ahi goobtaa shilku ka dhacay buux dhaafiyeen. Waxaanu qofkaasi yidhi “qarax aad u weyn buu ahaa”.

Dadka degan magaalada Qatif ayaa iyaguna u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay maqleen daryaanka qarax weyn isla markaana ay arkayeen qiiq cirka isku shareeray oo ka kacay goobta qaraxu ka dhacay.

Baabuurta gaashaaman ee booliiska ayaa sida dadka goob joogga ahi sheegayaan haatan ku gadaaman goobta qaraxu ka dhacay.

003

00

001

002

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment