2805 Views

Is bedelkii ugu xumaa oo ka dhacay Madaxtooyada, Madaxii Protocol-ka iyo kooxdiisa oo la eryay

Is bedelkii ugu xumaa oo ka dhacay Madaxtooyada, Madaxii Protocol-ka iyo kooxdiisa oo la eryay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 02, 2017— Is bedelkii ugu fool-xumaa. ayaa ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, labo maalin kadib magacaabistii Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Mr Fahad Yaasiin.

Waxaa saacadihii la soo dhaafay la eryay 11 xubnood oo u badnaa Kooxdii qaabilsaneyd Hab Maamuuska ama Protocol-ka Madaxweynaha.

Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia, ayaa sheegaya in xilka la qaaday Madaxii Protocol-ka Madaxtooyada oo lagu magacaabo C/llaahi Yuusuf iyo Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada C/llaahi Kulane oo 16-kii bishan xilkan loo magacaabay, balse an ku raagin!

Waxaa kale oo la  bedelay 9 xubnood oo ahaa dhalinyaro u tababarnaa Protocolka oo ku qornaa Madaxtooyada, kuwaasoo loo bedelay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaga oo an filanayn.

Khaliif C/qaadir Macalin Nuur, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada,  ayaa dhalinyaradan ku wareejiyay warqada bedelka Madaxtooyada, isagoo u sheegay in lagu bedelay amar Madaxweyne.

Wararka sida ay u badanyihiin, ayaa sheegaya in is bedelkan uu ka dambeeyay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin oo 31-kii bishan xilka loo magacaabay, isla markaana uu dalbaday in dhamaan wixii Madaxtooyada ka shaqeeya la bedelo, lana imaan doono Koox cusub oo uu asago soo doortay.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya, in Agaasime kuxigeen Madaxtooyada loo magacaabi doono qof Haween ah, halka Agaasime kuxigeenkii C/risaaq Shoole uu doonayo inuu ku wareego booskii Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.

C/risaaq Shoole oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin ayaa dalbaday jagadan uu hada ku magacaaban yahay Maxamed C/llaahi oo ahaa ninkii waraaqaha u tiriniyay Madaxweyne Farmaajo doorashadii 8-di February.

Arrinta layaabka leh ayaa noqotay, in 11 xubnood in hal mar laga eryo Madaxtooyada, taasoo ah dhaqan keli talisnimo ah oo uu la soo baxay Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin, balse taasna uu ka warqabo Madaxweynaha Farmaajo.

Dhalinyaradii ka qeyb qaadatay ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo oo aan wax xal helin ayaa loo badinayaa in booskii ay ka baxeen dhalinyaradii aqoonta u lahaa Protocol-ka lagu bedelo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidii suuqii sarafka oo kale u sabeynaysa, kaddib 3 agaasime oo ay ku yeelatay saddex bil gudahood, sidoo todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka jirtay loolan dhinaca awooda ah oo u dhaxeeyay kooxo kala duwan oo ku xiran Madaxweynaha, waxaana haatan muuqata in Kooxdii C/risaaq Shoole hoggaaminayay ee ku xirnaa Fahad Yaasiin inay ugu dambeyn awooda Madaxtooyada ku soo hareen.

Fahad Yaasiin, Madaxtooyo ma waari-doonaa, mase ? Bal an dhowro dhaankii maqnaa waxa uu war soo dhoobo.

.

.

WQ: Ali Omar Ghedi

_______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment