2547 Views

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo gaarsiiyay deeq gargaar ah deegaanka Timire Maamuljkaasi

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo gaarsiiyay deeq gargaar ah deegaanka Timire Maamuljkaasi
____________________________________________________________________________

Jowhar  | QOL | June 02.2017——–Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa maanta deeq cunto ah gaarsiiyay inkabadan saddex boqol oo qoys oo ku nool tuulada Timire ee ka tirsan degmada Jowhar  xarunta gobolka Sh/dhexe.

Tuulada Timire ayaa waxa ay kamid tahay tuulooyinka hoostaga magaalada jowhar isla markaana saameyn ay ku yeelatay abaaro iyadoo dadka tuuladaa ku nool ay yihiin qoysas beeralay ah balse aan u soo go’oin wax dalag ah xilligii la soo dhaafay.

Duqeyda,waxgaradka iyo guud ahaan bulshada ku nool deegaanka Timire ayaa soo dhoweeyay kana mahadceliyey deeqdan gargaarka ah ee la gaarsiiyay maanta iyadoo qoys walba la siiyay cunto ka kooban Bur,Bariis,Sokor,Saliid iyo Caano.

Guddoomiyaha maamulka gobolka sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlayay goobta lagu qeybiyay gargaarka ayaa sheegay in maamulka gobolka Sh/dhexe mar walba diyaar u yahay in uu saacido qoysaska danyarta ah ee ay saameynta ku yeelatay abaaraha.

Qeyntinta deeqdan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Buurfuule iyo duqa magaalada Jowhar Shiikh Saalax Muudey.

Ma aha markii ugu horeysay ee deeq uu gaarsiiyo qoysas danyar ah maamulka gobolka Sh/dhexe hase yeeshee qeybinta deeqda maanta ayaa waxa ay ku soo beegantay iyadoo ay tahay Jimcihii ugu horeeyay ee bisha Barakaysan ee Ramadan ee sanadkan

 

02

03

05

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Jowhar

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment