2445 Views

Ciidamada Dowladda Oo Nabadoon Caan Ah Kala Baxay Gurigiisa

Ciidamada Dowladda Oo Nabadoon Caan Ah Kala Baxay Gurigiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 — Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay habeenkii xalay gurigiisa kala baxeen nabadoon caan ka ah degmadaadna aad looga yaqaan

Nabadoonka oo lagu magacaabo Siidow Axmed Shinbirow, ayaa la sheegay in ciidankaan ay la aadeen dhanka garoonka Ballidoogle ee Shabellaha Hoose.

Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysay in ciidanka dowladda ay wataan nabadoonkaan

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ehlada Nabadoonka ay wadaan dedaal ay kula xiriiriyaan maamulka gobolka Shabellaha Hoose iyo saraakiisha ciidanka ee gobolkaasi si loo ogaado sababta Nabadoonka loo kaxeystay, ayada oo an laga haynin wax faah-faahin ah.

 Wixii kusoo kordha halka kala soco.

WQ/: Ali Omar Ghedi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment