2736 Views

DAAWO SAWIRADA:-Shiinaha oo Markab Gargaar sida uu soo diray Soomaaliya

DAAWO SAWIRADA:-Shiinaha oo Markab Gargaar sida uu soo diray Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 03, 2017 ——Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in Markabkii ugu horreeyay oo sida Shixnad gargaar ah in ay usoo dirtay Soomaaliya si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen.

Markabkaan ayaa kasoo baxay dekadda Magaalada Shanghai ee dalkaasi, waxaana lagu waddaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Dowladda Shiinaha ayaa deeqdaan Soomaaliya usoo marsiisay Hay’addaha Cuntada Adduunka ee WFP.

Shiinaha ayaa Sidoo kale dalalka Caalamka ugu baaqay in ay taageeraan dowladda Soomaaliya ,islamarkaana ay muhiim tahay in la caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen.

Deeqdaan ayaa dhan 2,821 tan , waxaana ay u badan tahay Bariis.

223,500 oo qof ayaa loogu tala galay deeqdaan in loo qeybiyo kuwaa soo ku sugan 18-ka gobol ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa horay u sheegtay in tiro ka badan 6 Million oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Gargaar deg deg ah.

 

 

00 (1)

00 (2)

00 (3)1

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment